المكتب التعاوني للدعوة والإرشاد وتوعية الجاليات شرق جدة
تذكرة الصوام
اعداد: عبد القادر شيخ محمد أخي
IS XUSUUSINTA AXKAAMTA SOOMKA
AF- SOOMAALI
WAXAA DIYAARIYEY
C/QAADIR SH. MAX,ED (AKHII)
Maktabka jaaliyaadka ee kiilo: 13
Maktabku wuxuu xil iska saaray ilaa iyo markii irdaha loo furay kobcinta wacyi galinta iyo barida diinta islaamka dhamaan jaaliyadaha ku nool magaalada jeddah, gaar ahaan kuwa isaga dariska la ah, Jaaliyada soomaalidu waxey ka mid tahay jaaliyada ugu firfircoon ee ka faa,deysta maktabka tan iyo intii irdaha loo furay , cid kasta oo jecel iney kheyrka udeegtana gacmo furan ayuu kusoo dhaweynayaa , hadaba dhamaan walaalaha jaaliyadda soomaaliyeed ee ku nool gudaha wadankan k.s.a. waxaan ugu yeereynaa iney ka faa,ideystaan maktabkan , sidoo kale hadii aad jeceshay inaad wax aqriso ama waxaad qortay bulshada loosoo saaro waxaad la soo xiriiri kartaa xafiiska jaaliyada soomaalidda ee maktabkan ku dhex yaal, waxaadna inshaa-allaahu la kulmi doontaa waxaad ku faraxdid aakhiro iyo aduunba.. sidaas iyo nabadgalyo, As-Sallaamu caleykum waraxmatu-llaahi wabarakaatuhu ..
HORDHAC
إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره، ونعوذ بالله من شرور أنفسنا، ومن سيئات أعمالنا، من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له ، وأشهد أن لاإله إلا الله وحده لاشريك له ، وأشهد ان محمدا عبده ورسوله . اما بعد :
Waxaan aad ugu farax sanahay inaan buugan yar u hadiyeeyo walaal kasta oo soomaaliyeed, oo jecel inuu Diintiisa barto, Kitaabkan yar waa mid ka mida taxanihii dheeraa een soo wadnay mudada dheer, kaasoon ugu talo galay in walaal kasta oo luuqada kitaabkan yar fahmaya uu ka faa,ideysto, waxaana ku dadaali hadii Rabi ii fududeeyo- inaan mas,alo walba si gaaban u qoro Walaalayaal in qofku isagoo caafimaad qaba uu bisha Ramadaan nabad ku gaaro-kadibna soomo- waxay ka mid tahay nicmooyinka ILLAAHAY ee waa weyn, ma la socotaan inay jiraan dad badan oo inala soomay soomkii hore, maantana dhintay oo qubuurahoodii ku jira? Meeqaase maanta sariir dul saaran xanuun dartiis oon fursad u helin inay inala soomaan? Aniga iyo adigase yaa inoo balan qaadaya inaan gaari doono bisha Ramadaan ee soo socota, taasi waxay inagu dhiiro galineysaa inaynaan nafteena kheyr ka xasdin. Walaalayaal kitaabkan yar kumasoo koobin Axkaamta Soomkoo dhan, laakiin waxaan ku tilmaami karaa inuu yahay iftiin uu qofku wax ku arki karo, intaas waxaa dheer oon u dardaarmayaa walaal kasta oo soomaaliyeed oo nasiib uhelay barashada Diinta islaamka inuusan dib udhiganin shey kheyr ah oo ummadu u baahan tahay .
QORE: C/QAADIR AKHII
1-SIDEEN KU SOO DHAWEYNAA BISHA RAMADAAN?
Mahad oo dhan waxaa iska leh , Allaha mudan in la caabudo kaligiis, Allaha aniga iyo adigaba ku farad yeelay inaan soomno bisha Ramadaan ee barakeysan Nabi Mux,edna e Rabi haka abaal mariyo siduu ugutay Risaaladii Alle inoogu soo dhiibay. walaal iiga waran hadii qofaad jeceshahay kula soo hadlo, ka dibna ku yiraahdo waan kuu imaanayaa waxaana kula joogayaa maalmo yar,miyaadan ku faraxdeen? waxaan shaki ku jirin inaad ku farxi laheyd, aadna u kala badan laheyd iskuna dayi laheyd inaad sameyso wax alaale iyo wixii farax galinaya martidaas qiimaha badan, ee kula joogeysa maalmaha yar, kaasi wuxuu ahaa marti aad adigu jeceshahay bal ka waran marti Alle iyo Rasuulka iyo adiguba aad jeceshihiin, marti wada kheyr saacad kasta, marti habeenkiisu yahay kheyr, marti maalinkiisu yahay kheyr, marti naftu jeceshahay mar kasta inay la joogto. Walaal wali ma is weydiisay martidani waxay tahay ? aan kaaga jawaabo anigu, martidani waa bisha Ramadaan, waa bisha kheyrka leh, waa bisha Qur,aanka kariimka lasoo dajiyey.
قال الله تعالى : ( شهر رمضان الذي أنزل فيه القرآن هدى للناس وبينات من الهدى والفرقان ) الآية :185
Bisha Ramadaan waa bil barako, waa bisha raxmada, waa bisha sabirka, waa bisha ay ku jirto habeenka Leylatul-Qadriga, habeenka Alle inoogu sheegay Qur,aanka inuu ka kheyr badan yahay kun bilood sida ku cad suuradda Al-Qadar Aayada (3 )
قال الله تعالى : ( ليلة القدر خير من ألف شهر )
Bisha Ramadaan waa bisha markay dhalato shayaadiinta la xirxiro, Naarta jahanamana albaabada loo xiro, janadana albaabada loo furo.
(إذا دخل شهر رمضان فتحت أبواب الجنة ، وغلقت ابواب : r قال
جهنم ، وسلسلت الشياطين ) رواه البخاري ومسلم
Bisha Ramadaan waa bisha qofkii u sooma Alle dartiis isagoo rumeysan waajibnimadeeda, ajirna dalbaya loo dhaafo dambiyadii uu horay u galay oo dhan.
قالr: ( من صام رمضان إيمانا واحتسابا غفر له ما تقدم من دنبه)متفق عليه.
Bisha Ramadaan waa bil ku dhisan Alle ka cabsi , sidaas darteed qofka sooman waxaa laga rabaa inuu ku dadaalo wax kasta oo Rabi ku xiri kara.
قال الله تعالى: ( يا أيها الذين ءآمنوا كتب عليكم الصيام كما كتب على الذين من قبلكم لعلكم تتقون ) سورة البقرة الآية ( 183)
Walaalayaal Janada albaabadeeda waxaa ka mida albaab lagu magaabo Al-Rayaan waxaana ka galaya kuwa sooma kaliya. Bisha Ramadaan waa bil Alle si gaara isugu khaas yeelay.
: r قال(كل عمل ابن آدم له يضاعف، الحسنة بعشر امثالها إلى سبعمائة ضعف. قال الله تعالى: (الا الصوم فإنه لي وانا أجزي به ، يدع شهوته وطعامه من اجلي . للصائم فرحتان: فرحة عند فطره ، وفرحة عند تقاء ربه . لخلوف فيه أطيب عند الله من ريح المسك. وفي رواية ( الصوم جنة فإذا كان يوم صوم احدكم فلا يرفث ولا يصخب فإن سابه احد أو قاتله فليقل إني صائم ) متفق عليه.
Xadiiskan waxaa soo saaray Bukhaari iyo Muslim waxaana ka faa,ideysaneynaa faa,idooyin badan: A-Bisha Ramadaan waa bisha dadka loo laban laabo dhamaan acmaasha wanaagsan oo dhan-marka laga reebo soomka-halkii wanaag ee qofku sameeyo waxaa loo laban laabaa toban jeer ilaa todobo boqol oo jeer,Rabi wuxuu yiri: soomka anigaa iska leh, anigaana ka abaal marinaya qofka
soomay, maxaa yeelay-qofka soomay- wuxuu dartey uga tagay shahwadiisii iyo cuntadiisii *
B-Qofka sooman labo jeer ayuu farxaa markuu afurayo iyo markuu la kulmo Rabigiisa qiyaamaha.
T-Qofka sooman suyaca afkiisa ka soo baxa ayaa ka udgoon Alle agtiisa carafta miskiga-waa nooc cadarka ka mida oo aad u udgoon. J-Soomku waa gaashaan waxuuna qofka gaashaan uga yahay wax alaale iyo wixii xun. X-Qofka sooman looma baahna inuu ku hadlo hadal xun oo uusan Rabi raali ka aheyn.sidaas darteed hadii qof ku caayo adigoo sooman waxaad ku tiraahdaa anigu waan soomanahay, si soomkaadu uga badbaado wax naaqusiya. Walaalayaal bil sharaftaas iyo in ka badanba leh miyeysan inaga mudneyn inaan soo dhaweyno? jawaabtu waa haa bisha Ramadaan dadkii qiimaheeda fahmay, Rabina waafajiyey waxay Alle ka baryi jireen lix bilood ka hor in Alle Ramadaan nabad ku gaarsiiyo, marka Rabi gaarsiiyo oy soomaana waxay Rabi mar labaad ka tuugi jireen in Alle ka aqbalo, dadka maanta joogana waad aragteen qof walba si buu u arkaa soo dhaweynta bisha ramadaan, dadbaa waxay ku soo dhaweeyaan Bisha Ramadaan dabaaldagyo iyo xaflado iyo heeso,dadna waxay ku soo dhaweeyaan filimo iyo riwaayado iyo Alle ku caasin dadna waxay moodaan in bishu tahay wax cun iyo wax cab markaasaa waxaa la arkaa in cuntadii ku filaan la heyed sadex bilood lagu dhameeyo Bisha Ramadaan qura, dadna waxay moodeen Bisha Ramadaan bil ganacsi, markaasaa saacad kasta waxaa laga hadli lacag iyo sidii bisha Ramadaan looga faro qabsan lahaa, dadna waxay moodaan bishan inay tahay bil hurdo iyo sheeko xariir. Walaal intaan soo sheegnay hadii laga fiican yahay, Habkeen usoo dhaweynaa bishan barakeysan? Jawaabta su,aashan waxaan ku soo koobi dhowr arimood oo muhiim ah.
ARINTA KOOBAAD: Waa inaan Alle ka barino inuu na gaarsiiyo Bisha Ramadaan ka dibna inagu garab qabto cibaadada Ramadaanka iyo camalka suuban .
ARINTA LABAAD: waa inaan ka nadiifino nafteena wax alaale iyo wixii macsi ah, ha yaraato ama ha weynaato, arintana waa arin waajib inagu ah saacad kasta, sidaas darteed anigoo naftayda ka bilaabaya sideen ku dooni karaa inaan ku hello hadiyada Eebe iyadoo nafteenu ku dhex jirto macsida Eebe? iyadoo kii beenaalaha ahaa uu wali yahay beenaale, iyadoo caasi waalidiinkii uu waxba iska badalin, iyadoo ma tukadihii uu yahay wali ma tukade, iyadoo kii dhiiga dadka galay wali kusii socdo dambigiisii,iyadoo kii xoolaha dadka dhacay uu wali xoolo uusan laheyn heysto. Walaalayaal waa inaan ka nadiifino nafteena macsida, si aan u helo hadiyada Rabigeena.
قال الله تعالى : ( ياأيها الذين آمنوا توبوا إلى الله توبة نصوحا )
سورة التحريم الآية: 8
ARINTA SADEXAAD: waa inaan badino soomka bisha shacbaan dayasho aan ku dayaneyno Nabigeena e owgeed.
عن عائشة رضي الله عنها قالت : مارأيت النبي صلى الله عليه وسلم إستكمل صيام شهر قط إلا رمضان ، وما رأيته في شهر أكثر صياما منه في شعبان ) متفق عليه. وفي رواية لمسلم : كان يصوم شعبان إلا قليلا .
ARINTA AFRAAD: Waa inaan sameysanaa nidaam ama jadwal aan ku socono bisha Ramadaan ahna nidaam ku saleysan sidaan uga faa,ideysan laheyn bisha Ramadaan, xaga cibaadada Rabi marka ka dhig waqtigaada Qur,aan aqris iyo dhageysashada cajaladaha Qur,aanka iyo xusid Eebe,adigoon ka tagin wax alaale iyo wixii ku anfacaya aduunyada iyo aakhiroba, waayo bishu waa maalmo gacmo ku tirisa, haday sidaas inagu dhaafto inagoon ka liibaanin waa khasaaro.
ARINTA SHANAAD: Noqo mid ku xiran culimada iyo dadka jecel khayrka, waayo dadku waa dhowr nooc qof wax daalacan kara iyo mid ku fiican inuu culimada wax weydiiyo iyo qof ku roon in wax loo sheego, marka walaal ku dadaal haday dhacdo inaad garan weydo shay diintaada ka mida inaad si dhaqso ah u weydiiso culimada, waayo iyagaa Rabi baray waxaan dad badan la barin waana sida Rabi Qur,aanka inagu amray .
قال الله تعالى : ( فأسئلوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون )
سورة الأنبياء :7
ARINTA LIXAAD: Yeysan dhamaanin bisha Ramadaan adigoon is dhihin Rabi wuu kuu dhaafay taasna waxaad ku garan kartaa waa in camalkaadu noqdo mid ku socda sida Alle raaliga ka yahay.
ARINTA TODOBAAD: Waa inaan baranaa Axkaamta ku tacaluqda Bisha Ramadaan laga bilaabo bilowgiisa ilaa dhamaadkiisa, gaar ahaan macanaha soomka iyo waxa loola jeedo xaga luuqada iyo sharciga, in soomku yahay tiirka afraad ee tiirarka islaamka, fadliga soomku lee yahay, shuruuda soomka, waajibaadkiisa, waxyaabaha buriya soomka, iyo dadka ay ubanaan tahay inay afuraan, Axkaamta ictikaafka, Axkaamta SakaatulFidriga, iyo Axkaamta Ciida Soonfur i.w.m. si soomkeenu unoqdo mid la aqbalay.
2-MACNAHA SOOMKA LUUQAD AHAAN:
SOOMKU: Waa in shey la iska daayo isticmaalkiisa tusaale ahaan qofkii iska daaya cuntada ama cabida waxaa lagu tilmaami hebal wuu sooman yahay, sidoo kale qofkii aamusa waxaa lagu tilmaamaa inuu sooman yahay. hadalka uu iska daayey awgiis, sidaas darteed ayaa Rabi ka cabiray aamuskii Maryama Bintul-Cimraan soom. Ka dib markii Alle amray inay ku tiraahdo dadka aamusbaan nafteyda ku waajibiyey oo cidna la hadli maayo*
قال الله تعالى:( فقولي إني نذرت للرحمن صوما فلن أكلم اليوم إنسيا)
3-SOOMKA SHARCI AHAAN:
WAA IN QOFKU ka af heysto waxyaabo khaas ah sida cuntada cabitaanka galmoodka i.w.m. laga bilaabo ooga labaad ilaa qoraxdu ka dhacdo isagoo u niyoonaya cibaado iyo Alle ugu dhawaansho.
قال الله تعالى: ( وكلوا واشربوا حتى يتبين لكم الخيط الأبيض من الخيط الأسود من الفجر )
سورة البقرة الآية (199)
4-SOOMKU WAA MID KA MIDA SHANTA
TIIR EE ISLAAMKU KU DHISAN YAHAY..
waana rukni aan la,aantiis islaam dhab ah la noqoneynin, sidaas darteed cidii inkirta waajibnimada soomka waxay ka baxeysaa diinta islaamka, walaalayaal soomku waa waajib waxaana inoo cadeeyey Qur,aanka iyo sunada Nabiga e.
قال الله تعالى : ياأيها الذين آمنوا كتب عليكم الصيام كما كتب على الذين من قبلكم لعلكم تتقون ،أياما معدودات فمن كان مريضا أو على سفر فعدة من أيام أخر ، وعلى الذين يطيقونه فدية طعام مسكين الآيات . سورة البقرة ( 183،184،185 )
وقال رسول الله صلى الله عليه وسلم : (بني الإسلام على خمس شهادة أن لا إله إلالله وأن محمدا رسول الله ، وإقام الصلاة وإيتاء الزكاة وحج البيت وصوم رمضان) متفق عليه.
5-GOORMA AYAA SOOMKA LA FARAD YEELAY ?
Soomka waxaa la farad yeelay sanadkii labaad ee hijrada Nabiga e Nabi Mux,edna e wuxuu soomay sagaal Ramadaan, ka dibna ILLAAHAY ayaa oofsaday, soomku wuxuu soo maray labo heer. heerka koobaad: in qofku ikhtiyaarkiisa haduu rabo usoomo haduu rabana cunto bixiyo iyadoo in qofku soomo ay ka fiican tahay inuu cunto bixiyo. Heerka labaad: in qofku soomo oo uusan soomka sina uga tagin. Saxaabi la yiraahdo Salamata bin Al-Akwac ayaa wuxuu yiri : markay soo dagtay Aayadan.
قول الله تعالى : وعلى الذين يطيقونه فدية طعام مسكين
سورة البقرة الآية :184
Qofkii raba inuu afuro oo fidyo iska bixiyo wuu yeeli jiray ilaa ay ka soo dagtay Aayadan kale
قال الله تعالى : فمن شهد منكم الشهر فليصمه، ومن كان مريضا أوعلى سفر فعدة من أيام اخر
6-GOORMA AYUU SOOMKU WAAJIB NOQDAA?
Soomku wuxuu waajib noqdaa markay bisha Ramadaan dhalato, taasna waxaa lagu garan karaa in bisha la arko ama bisha shacbaan 30maalmood ku dhamaato, shardina ma ahan in qof kasta bisha arko, sidaas darteed hadii qaar ka mida dadka magaalada dagan bisha arkaan waxaa ku waajibeysa inta kale inay soomaan. waxaana loo shardiyaa dadka sheegay inay bisha arkeen inay ahaadaan daday u dhan tahay calaamadahan,Qaan gaar, caqli, muslim iyo in lagu kalsoon yahay qofka aragiisa iyo amaanadiisa.
. قالr:( صوموا لرؤيته وأفطروا لرؤيته فإن غمى عليكم الشهر فعدوا الثلاثين ) رواه مسلم
7-WAAJIBKA INAGA SAARAN SOOMKA.
Walaalayaal si soomkeenu u noqdo mid la aqbalay Alle agtiisa waa inaan ku dadaalo wax alaale iyo wixii soomkeena kor u qaadaya, dhinaca kalena waa inaan iska ilaalinaa wax alaale iyo wixii soomkeena ajirkiisa hoos u dhigaya, sidaas darteed:1-ha hilmaamin inaad niyooto soomka aad rabto inaad barito soomto. waayo qofkaan niyeysan soomkiisa fajarka ka hor soom uma jiro.
من لم يبيت الصيام قبل طلوع الفجر فلا صيام له ) r قال
FAA,IDO: Ma jirto hab gaara oo loo xirto soomka, sidaas darteed habka dadka qaarkiis u xirto soomka asal kuma laha islaamka* waxaa wax lala yaabo ah, waxaan xusuustaa anagoon wali afurin ayaa waxaa naloo xiri jiray maalinta soo socota soomkeeda.
*Tusaale ahaan in qofku yiraahdo نويت صوما غدا oo macnaheedu yahay waxaan niyoonayaa inaan bari soomo
2-Iska ilaali inaad dayacdo saaladaha faradka ah gaar ahaan salaada subax iyo salaada casar ee dadku ubadan yihiin inay ka seexdaan.* 3-iska ilaali dabeecadaha xun xun ee dadka qaarkiis caadada ka dhigtay sida xanta, beenta, dad isku dirida iyo hadalka aan qiimaha ku dhisneyn, iyo dooda bilaashka ah, iyo fadhi xumada qaarkeed.
. قال r: (من لم يدع قول الزور والعمل به فليس لله حاجة في ان يدع طعامه وشرابه) رواه البخاري
4-Iska ilaali waxyaabaha caafimaadka dhiba sida sigaarka, tubaakada, i.w.m. kuna dadaal inaad faraha ka qaado-waxyaabahaas xaaraamta ah- adigoo u adeegsanaya soomka bisha Ramadaan ee barakeysan.5-iska ilaali inaad ku soo jeedo habeenkii shey aan faa,ido laheyn sida dadka qaarkiis yeelaan.6-badi wardiga iyo aqrinta Qur,aanka iskuna day inaan fahanto macnaha Qur,aanka aad aqrineyso.7-iska ilaali inaad noqoto sida kuwa tukada bisha Ramadaan kaliya, kuwa markay Ramadaan dhamaato aan Rabigooda aqoonin.8-badi sadaqada dadka baahan ee masaakiinta ah, sadaqada waxaa soo galaya waxyaabo badan sida: A-in dadka gaajeysan la quudiyo.B- in qof sooman la afuriyo, Nabiguna e markuu ka hadlayay ajirka uu lee yahay qofka afuriya qof sooman wuxuu yiri : ( Qofkii qof sooman afuriya wuxuu la mid yahay sidii isagoo helay labo ajir ajirkii soomkiisa iyo ajirkii qofka uu afuriyey intaas waxaa dheer qofka la afuriyey ajirkiisa waxba laga naaqusin maayo.
من فطر صائما كان له مثل أجره غير انه لا ينقص من أجر: r قال
الصائم شيء) متفق عليه .
9-ku dadaal inaad gudato cumro bisha Ramadaan dhaxdeeda haday kuu suuro gasho,waayo Nabiga e waxaa ka sugnaatay inuu yiri : (Cumrada bisha Ramadaan dhexdeeda la guto waxay u dhigantaa xaj) .
( العمرة في رمضان تعدل حجة. متفق عليه
8-QAAR KA MIDA AADAABTA
SOOMKA IYO SUNOOYINKIISA.
Walaalayaal maadaama soomku sidaas uqiimo badan yahay miyeysan laasim inagu ahayn, inaan isu cadeyno Aadaabta soomka si ninkeena jaahilka ah u barto, keena caalimka ahna ugu noqoto xusuus, Aadaabta soomka waxaana ka mida: 1-in qofku si dhaqso ah u afuro markay qoraxdu dhacdo,ama uu maqalo aadaanka salaada maqrib ee baladka uu joogo. 2-waa inaan saxuurano inagoo ku dayaneyna sunada Nabiga e waxaana fiican in la suxuurto qeybta dambe ee habeenka, shardina ma,ahan in qofku dhargo, ee waxaa la rabaa oo kaliya in qofku wax cabo ama wax cuno.
ولو ان يجرع احدكم جرعة من ماء. رواه البخاري . e قال
intaas waxaa dheer oo Nabigeenu e inoo cadeeyey in saxuurtu tahay barako.
تسحروا فإن في السحور بركة . متفق عليه. :e قال
3-Ha hilmaamin ducada marka la afurayo waayo qofka sooman ducadiisa waa maqbuul-Inshaa,Allaah.
. ثلاثة لا ترد دعوتهم منهم الصائم حتى يفطر . الحديث. eقال
4-Waa inaan tukano salaada taraawiixda ee Nabigeenu S.C.W. tukaday, Salaada taraawiixdu waa sunne waxaana fadli badan in jamaaco lagu tukado, waqtigeeduna wuxuu bilaabanayaa salaada cishaha ka dib.Rasuulkuna e wuxuu yiri: Qofkii salaada-taraawiixda- u istaaga isagoo muu,min ah ajirna dalbaya waxaa loo dhaafaa dambiyadii uu horay u galay.
من قام إيمانا واحتسابا، غفر له ما تقدم من ذنبه . متفق عليه. eقال
Waxaana wanaagsan inaad tukato Salaada taraawiixda 11Rakcadood waana sida ka sugnaatay Nabiga s.c.w. sidaas darteed markii la weydiiyey Caa,isho-haweeneydii Nabiga e sidee bay ahaan jirtay salaada Nabiga e bisha Ramadaan waxay ku jawaabtay:Nabi Mux,ad s.c.w. kama badin jirin salaada habeenkii 11Rakcadood bisha Ramadaan iyo bilaha kaleba.
عن عائشة رضي الله عنها أنها سئلت كيف كانت صلاة النبي صلى الله عليه وسلم في رمضان؟ فقالت ماكان يزيد في رمضان
ولا غيره على إحدى عشرة ركعة) متفق عليه .
5-Ku dadaal inaad ku ictikaafto mid ka mida masaajidada waa weyn tobanka dambe ee bisha Ramadaan adigoo ku dayanaya siduu yeeli jiray Nabigeena e.
Ictikaafku waa sunadii Nabigeena e sidaas darteed hadii Alle kuu sahlo inaad ictikaafto ku dadaal inaad waqtigaada ku dhameyso daacada Alle, sida Qur,aan aqris iyo wardi i.w.m. iskana ilaali inaad u baxdo waxaan xaajo gudasho ama cunto iyo cabid aheyn. Qofka raba inuu ictikaafo waxaa wanaagsan inuu masjidka galo maalinta 20AAD markuu tukado salaada subax, wuxuuna ictikaafkiisu u dhamaanayaa habeenka ciida, waxaase haboon in habeenka ciida uu kujiro ictikaafkiisa ilaa uu salaada subax ka tukado, ka dibna uu aado halka salaada ciida lagu tukanayo. 6-ku dadaal cibaadada bisha Ramadaanoo dhan, gaar ahaan tobanka habeen ee u dambeysa ee Leylatul-Qadrigu ku jirto, maxaa yeelay Nabigeena e waxaa ka sugan in markii lagaaro tobanka dambe ee bisha Ramadaan uu guntiga adkeysan jiray, habeenkiina cibaado iyo soojeed ku nooleyn jiray, ehelkiisana uu toosin jiray. Dhageyso caa,isha (A.H.R.) waxay tiri:
قالت أم المؤمنين عائشة رضيالله عنها : كان رسول الله صلى الله عليه وسلم : إذا دخل العشر شد المئزر ، واحيا ليله ، وأيقظ أهله )
9-QAAR KAMIDA AXKAAMTA SOOMKA
1-Qofka sooman waxaa ubanaan waxyaabo fara badan, sida Cadayashada, Luqluqashada Qubeysashada, Dhiig iska qaadida, isdurida caadiga ah, daawada indhaha laga qaato,tan sanka laga qaato iyo in ilig la iska rido i.w.m. 2-hadii qof sooman dhaawacmo ama uu boog tuujiyo ama uu dhiig ka yimaado sankiisa ama meel kale oo jirkiisa ka mida, soomkiisu waxba kasoo gaari maayaan.3-hadaad afurto maalim Ramadaanka ka mida cudurdaar dartiis ku dadaal inaad maalintaas badalkeeda qaleyso, gaar ahaan intaan la gaarin Ramadaanka kale .4-Qofkii xanuun dartii bisha soom ku dhaafto kadibna aan caafimaadin ilaa Ramaddaankii kale ku yimaado waxaa waajib ku ah inuu soomo bisha Ramadaan ee cusub ka dibna uu qaleeyo bishii dhaaftay wax dushiisa saarana ma jiraan, laakiin qofka caafimaaday een qaleynin bishii dhaaftay ilaa Ramadaan cusub ka dhashay wuxuu ku dhacay dambi sidaas darteed waxaa waajib ku ah inuu toobadkeeno ka dibna qaleeyo maalmihii dhaafay isagoo maalin walba oo uu soomo quudinaya qof miskiin ah.5-Qofkii nadar ku galay inuu maalmo Alle dartii u soomo ka bibna dhinta, waxaa laga rabaa ahelkiisa inay ka soomaan.
10-SHURUUDA SOOMKA.
Soomku wuxuu lee yahay shuruud cidii laga waayo uusan soomkiisu asaxeynin waxaana ka mida: 1-waa inuu Qofka soomaya yahay muslim waayo gaal lagama aqbalayo haduu si kasta usoomo.
2-Waa in qofku baaluq yahay, waayo qofaan baaluqin waajib kuma ahan soomku, laakiin haduu soomo waa asaxayaa soomkiisu weyna fiican tahay in ilmaha lagu tarbiyeeyo soomka intay yar yihiin. 3- waa in qofku yahay caaqil , waayo qofka waalan laguma laha soom.
قال :r (رفع القلم عن ثلاث : عن النائم حتى يستيقط ، وعن الصبي حتى يحتلم وعن المجنون حتى يعقل)
4-Waa in qofku awood buuxda u lee yahay soomka, waayo illaahay kuma kalifo qofna wuxuusan awoodin.
قال الله تعالى : ( لايكلف الله نفسا إلاوسعها) سورة البغرة( الآية :286)
5-Waa inuusan qofku musaafir aheyn, waayo musaafirka waxaa u banaan inuu afuro, sidoo kale waa inuusan qofku jiraneyn maxaa yeelay qofka safray bil Ramadaan dhexdeeda ama xanuunsaday waxaa laga rabaa oo kaliya inay soomaan maalmihii ka tagay badalkooda sidey inoo cadeeysay suuradda Al-Baqarah Aayada 185.
قال الله تعالى : ( ومن كان مريضا او على سفر فعدة من أيام اخر)
6-Waa inaysan haweenaydu qabin dhiiga caadada ama kan ka yimaada haweenka waqtiga umusha.7-AXKAAM KALE OO MUHIIM AH : A-Qofta xaamilada ah iyo haweeneyda la nuugayo hadey u cabsoodaan naftooda ama ilmahooda, waxaa u banaan inay afuraan.B-Qofka aad u xanuunsan, xanuun aan rajo looga qabin caafimaad waxaa u banaan inuu afuro ka dibna quudiyo maalin kasta oo uu afuro qof miskiin ah, Maxaa yeelay Rabi diinta dhib kama yeelin sida ku cad Qur,aanka suuradda Al-Xaj Aayada (78) .
قال الله تعالى : ( وما جعل عليكم في الدين من حرج )
T-Qofka da,da weynrag&haweenba- een soomi karin waxaa laga rabaa maalin kasta inuu quudiyo qof miskiin ah halkuu ka soomi lahaa waayo soom laguma lahan sida ku cad Qur,aanka .
قال الله تعالى: (وعلى الذين يطيقونه فدية طعام مسكين )
سورة البقرة الآية :184
Ibnu Cabaas A.H.R. wuxuu yiri : Aayadan waxay ku soo degtay odoyaasha iyo haweenka waayeelka ah. J-Qofkii ubaahda inuu afuro si uu u badbaadiyo qof guri ku gubanayo ama qof biyo qaadeen, amaba jihaad dartiis-u afura- wax dhib ah kama taagna, maadaama uusan waxba qaban karin inuu wax cuno ma,ahane, islaamkuna wixii maslaxad ku jirto ma diidin.
11- WAXYAABAHA BURIYA SOOMKA.
Soomku waxuu lee yahay waxyaabo buriya hadii qofku sameeyo isagoo sooman, waxaana ka mida:
1-Hadii qofku kas u cuno ama u cabo wuu burayaa soomkiisa waxaana ku waajibaya qofkaas dhowr arimood.
A-Waa inuu ka towbo keeno ficilkii xumaa ee uu sameeyey, waayo wuxuu ku xadgudbay xurmadii bisha barakeysan.
B-Waa inuu inta maalinta ka dhiman uusan wax dambe cunin.T-waa inuu qaleeyo maalinta uu afuray.
2-Hadii qofku u tago haweeneydiisa isagoo sooman soomkiisu wuu burayaa , waxaana ka ratibmaya ficilkaas afar arimood:
Arinta koobaad : Waa inuu qofka ficilkaas ku dhaca si dhab ah Rabi ugu toobad keeno isagoo la imaanaya dhamaan shuruuda toobada een hada ka hor ka soo hadalay.*
Arinta labaad: waa inuu dhameystiro maalita uu ku buriyey soomkiisa galmoodka..
Arinta sadexaad: Waa inuu qaleeyo badalka maalintii uu ku buray soomkiisu galmoodka. Arinta Afraad: waa inuu la yimaado kafaaro gud ka kooban sadex darajo.
A-Inuu xoreeyo adoon, haduu awoodi waayo wuxuu u talaabayaa darajada labaad oo ah.
B-Inuu soomo labo bilood oo isku xigta oo aanu maalin qura ka afureynin, hadiise uu afuro maalin ama wax ka badan cudurdaar la,aan waxaa ku waajibaya inuu soomkii mar labaad soo bilaabo sababtoo ah Rasuulku e wuxuu yiri :(Labo bilood oo xiriir ah) hadiise qofku afuro maalin ama wax ka badan cudurdaar sharcigu ogal yahay dartiis sida jirro ama safar aan loola qasdin afuritaan lagu xalaaleysto soonkiisii wuu u jirayaa,hadiise qofka kafaara gudka laga doonayo uu qabo cudur aan laga rajo qabin inuu ka bogsado ama gabow uu la soomi waayo waxaa loo ogol yahay inuu ugudbo darajada sadexaad oo ah: inuu quudiyo lixdan miskiin, maalin kasta badelkeeda miskiin hadiise uu waayo dhaqaale uu ku quudiyo masaakiinta kafaaro gudku dushiisa wuu ka dhacayaa, taasina waxay ina tuseysaa sida ILLAAHAY inoogu naxariistay. 3-hadii qofku kas isaga keeno manida, tusaale ahaan qofkii siigeysta ama dhunkada xaaskiisa ama deymada ku celceliya xaaskiisa ilaa manidu ka timaado, qofka sidaas yeela soomkiisu wuu burayaa waxaana laga rabaa inuu Alle u toobo keeno ka dibna dhameystiro maalinta inta ka laaban isla markaana uu dib uqaleeyo soonkeeda.4-hadii qofku qaato shey gali kara meeshii cuntada, sida irbadaha nafaqo siinta-waa irbadaha haduu qofku qaato-uusan u baahanayn wax cunto ah waxaa kale oo la mida arintan oo soomka burinaya hadii qofka dhiig lagu shubo isagoo sooman. 5-hadii qofku istoobo isagoo sooman, waa burayaa soomkiisu isaga iyo kan toobay. 6-hadii qofku kas isaga keeno mantaga. 7-hadii haweeney ka yimaado dhiiga caadada ama ay umusho iyadoo sooman, waa burayaa soomkeedu, xataa haduu ka yimaado qoraxda dhicideeda wax yar ka hor. 8-hadii qofku ka baxo diinta islaamka isagoo sooman, waa burayaa soomkiisu.9-hadii qofku buriyo niyadii soomka isagoo galinaya niyadiisa inuu afuro, wuu burayaa soomkiisu . walaalayaal arimahaan kor ku soo sheegay dhamaan waxay ku cad yihiin Qur,aanka iyo sunada Nabiga e dhamaantoodna waxay buriyaan soomka, waxaana laga rabaa qofkii sameeya mid ka mida waxyaabaha buriya soomka inuu qaleeyo, laakiin waa inay jirto sadex shardi, marka laga reebo dhiiga caadada iyo dhiiga ka yimaada haweeneyda waqtiga umusha, sadexdaas shardi oo kala ah:1- waa in qofku og yahay markuu sameynayo ficilka buriya soomka tusaale ahaan cabida iyo cunidu waxay buriyaan soomka laakiin qofkaan ogeyn in cunidu iyo cabidu soomka buriyaan-jaahilnimo darteed- soomkiisu ma burayo.
قال الله تعالى: (ربنا لا تؤاخدنا إن نسينا أو أخطأنا) سورة البقررة
الآية: 286
2-waa in qofku ku cuno khiyaarkiisa isagoo cid ku qasabtay aysan jirin, laakiin qofkii lagu qasbo inuu afuro ama macsi sameeyo isagoon raali ka aheyn wax dushiisa saaran ma jiraan-haduu afuro ama macsi sameeyo.
قال الله تعالى : ( من كفر بالله من بعد إيمانه إلا من أكره وقلبه مطمئن بالإيمان ) سورة النحل الآية: 106
3-waa in qofku xusuusan yahay markuu wax cunayo ama cabayo laakiin hadii qofku hilmaansan yahay wax ku waajibaya ma jiraan waxuuna dhameysanayaa soomkiisa.
قال r: (من نسي وهو صائم فاكل أو شرب فليتم صومه فإنما أطعمه الله وسقاه ) متفق عليه
FAA,IDO:
1-Hadii qofka soomkiisu yahay suno wuu afuri karaa xataa haduusan jirin cudur.
2-Hadii qofku wax cuno isagoo u maleynaya habeen ka dibna u cadaato inay maalin tahay soomkiisu waa burayaa, sidoo kale qofkii cuna ama caba isagoo u maleynaya in qoraxdu dhacday ka dibna u cadaato inaysan qoraxdu dhicin soomkiisu wuu burayaa.
12- QEYBAHA SOOMKA.
WALAALAYAAL soomku wuxuu u qeybsamaa labo qeybood soom waajib ah iyo soom sune ah . QEYBTA KOOBAAD: Soomka waajibka waxaa ka mida: 1-soomka bisha Ramadaan. 2-soomka ku yimaada sababta sida A-soomka qofku nadro, B-soomka kafaaro gudka.
QEYBTA LABAAD : Soomka sunada ah waxaa ka mida:1- in qofku maalina soomo maalina afuro siduu yeeli jiray Nabi Daa,uud c.s.w. oo kale, waana sida ugu wanaagsan.2-in qofka aan xaajiga aheyn soomo maalinta sagaalaad ee bisha carafo. 3-in qofku soomo bisha muxaram gaar ahaan maalinta tobnaadwaxaana wanaagsan in maalin laga horeysiiyo ama maalin laga dambeysiiyo-4-in qofku soomo lixda maalmood ee ka dambeysa bisha ramadaan.5-in qofku ka soomo bil kasta maalmaha 13,14,15. 6- in qofku ka soomo isbuuc kasta maalmaha khamiista &isniinta.
13-MAALMAHA SHAREECADU DIIDAY IN LA SOOMO.
Walaalayaal waxaan nahay adoomo illaahay abuurtay, waxaana lagama maarmaana inaan ka fogaano wixii shareecadu inoo diiday. Aan ogaano xikmada ku jirta ama yeynaan ogaanin Maalmaha in la soomo aan la ogoleyn waxaa ka mida: 1-in qofku soomo labada maalmood ee muslimiinta ciida u ah-Ciida soonfur&Ciida carafo-2-Ma banaana in la soomo maalmaha tashriiqa 11,12,13, ee bisha carafo, laakiin qofka soo xirtay Qiiraanka & Tamatuca haduusan heli karin wuxuu gowraco waxaa u banaan inuu soomo.* 3- uma banaana inay soomaan haweenka dhiigu ku dhacay iyo mida umusha ah. 4-uma banaana haweeney inay soomto ninkeeda oo jooga idan la,aantiis.5-Ma banaana in lagu khaas yeelo soom maalinta jimcaha. 6-Ma banaana in la soomo Ramadaanka ka hor maalin ama labo maalmood, laakiin hadii qofku horay u soomi jiray wax dhibaato ah kuma jirto.
14-SAKAATUL- FIDRIGA..
Sakaatul-fidriga waa tan la bixiyo marka bisha Ramadaan dhamaato, waxayna waajib ku tahay qof kasta oo muslim ah, ha yaraado ama ha weynaado, dhadig iyo lab, Qadarkeeduna waa in qofku bixiyo hal suus oo cuntada baladka taala ah, Sakaatul-Fidriga waxaa fiican in la bixiyo habeenka ciida markay qoraxdu dhacdo ilaa salaada ciida laga tukado, qofkii ka dib mariya salaada ciida waxay sakadiisu noqoneysaa sadaqo, wey banaan tahay in la bixiyo sakaatul-fidriga maalmo ciida ka hor, Sakaatul-Fidriga waxaa la siinayaa dadka baahan ee magaalada dagan, hadii la waayo axad ubaahan, waxaa banaan in loo diro dadka muslimiinta ah ee dhibaataysan ee meel kasta jooga Sakaatul-Fidriga waxaa wanaagsan in lagu bixiyo cunto, laakiin qofkii raba inuu qof walaalkiis ah lacag siiyo baabka sadaqadu wuu furan yahay mar kasta.
15-SALAADA CIIDA
Salaada ciidu waa salaada la tuko Marka bisha Ramadaan dhamaato, waxaana wanaagsan intaan salaada loo soo bixin ka hor in la qubeysto oo la xirto dharka ugu nadiifsan ee qof walba heli karo waxaa kale oo sune ah in wax la cuno intaan salaada ciida la aadin, waxaa kale oo sune ah in la takbiirsado laga bilaabo marka cadceedu dhacdo habeenka ciida ilaa salaada ciidu ka dhamaato Takbiirtuna waa sidan:
الله أكبر ، الله أكبر ، الله أكبر ، لاإله إلاالله ، والله اكبر ، الله اكبر ، ولله الحمد
Takbiirtan ragu kor ayey u qaadayaan haweenkuna hoos ayey u qaadayaan, salaada ciida waa inaysan haweenku ka maqnaan xataa haday gabadhu caado qabto maxaa yeelay ducada muslimiinta ayaa laga rabaa inay kasoo qeyb gasho, haweenku waa inay is asturaan markasta Salaada ciidu waa labo Rakcadood marka salaada la xiranayo waxaa la oronayaa Rakcada hore Allaahu-Akbar todobo jeer oo ay ku jirto tii uu salaada ku xirtay, Rakcada labaad marka loo istaago waxaa la oranayaa Allaahu -Akbar lix jeer oo ay ku jirto tii marka rakcada labaad loo istaagay la yiri mar kasta oo Allaahu Akbar qafku dhahana waa in gacmaha hor loo taago sidii qof salaad xiranaya oo kale. Allaah waxaan ka baryeynaa inuu inaga aqbalo soomkeena iyo dhamaan cibaadadeena oo dhan.
هذا وصلى الله على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين ..
TUSMO
HORDHAC
1-SIDEEN KU SOO DHAWEYNAA BISHA RAMADAAN?
2-MACNAHA SOOMKA LUUQAD AHAAN
3-SOOMKA SHARCI AHAAN
4-SOOMKU WAA MID KA MIDA SHANTA
TIIR EE ISLAAMKU KU DHISAN YAHAY
5-GOORMA AYAA SOOMKA LA FARAD YEELAY ? .
6-GOORMA AYUU SOOMKU WAAJIB NOQDAA?
7-WAAJIBKA INAGA SAARAN SOOMKA
8-QAAR KA MIDA AADAABTA SOOMKA IYO SUNOOYINKIISA
9-QAAR KAMIDA AXKAAMTA SOOMKA
10-SHURUUDA SOOMKA
11-WAXYAABAHA BURIYA SOOMKA .
12-QEYBAHA SOOMKA ..
13-MAALMAHA SHAREECADU DIIDAY IN LA SOOMO
14-SAKAATUL- FIDRIGA ..
15-SALAADA CIIDA
المراجع : القرآن الكريم
مجالس شهر رمضان لأبن العثيمين ،شرح أركان الإسلام والإيمان لجميل زينو
نيل المرام من أحكام الصيام للحمدان ، ورسالة رمضان طريقنا إلى الجنة.
بسم الله الرحمن الرحيم
أهم مشاريع التوعية للجالية الصومالية
MASHAARIICDA MAKTABKA
QEYBTA SOOMAALIDDA